Wednesday 6 March 2013

breaking news:Askari katirsan cidamada amanka kenya oo logu toogtay xerada qaxotiga IFO 1 iyo------

Wararka naga sogarayo xerada qaxotiga  IFO oo kamid ah xerooyinka kuyala waqoyi bari  ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay askari katirsanaa ciidamada amaanka.
Qof kusugan IFO ayaa soo sheegaya in labo nin oo hubaysan ay toogteen askarigan katirsan ciidamada booliska ee xerada IFO.
Markii ay askarigaas toogteen ayaa waxaa ay isku dayeen inay baxsadaan hase ahaatee waxaa ka dabatagay shacabka iyo ciidamada IFO.
Markaas ayay ciidamada amaanka toogteen ninkii hubaysnaa ee askariga dilay kadib markii uu isku dayay inuu rasaas kale furo.
Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay ninkii kale isagoo dhaawac ah, waxaana meydka ninka ladilay iyo kan dhaawaca ah ay yaalaan saldhiga ciidamada booliska xerada IFO.
Saraakiisha amaanka ayaa la filayaa inay goordhow shir ku qabtaan saldhiga oo ay kaga hadlayaan falkan goordhow oo saakay ah dhacay.
IFO OFFICE
Hassan k.
reporter:VJ SIN KHAN
sugow2010@hotmail.com
sugow@journalist.com

No comments:

Post a Comment