Thursday 17 January 2013

DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ qebtii 3|Dadaab refugee camp








Meeshii ay talo jacayl oo ay ku qanacdo ka sugeysay Saaxiibbteedii ay ku kalsoonayd hadallo aan u qaadmin ayay jawaab uga dhigtay, markaasay inta ku xanaaqday fadhigii kaga sara kacday oo xiriirkii Saaxiibtinimo isla daqiiqaddiiba ka goosatay, sidaasna ku kala haajireen, waxayna Ladan is tustay in iyadoo aan cidna la tashan ay Liibaan jacaylkiisa ku mintido, hadba wixii ay kala kulantaba.
Ladan waxay bilowday in marka xilliga Break Time-ka loo baxo in ay Liibaan ka dalbato in uu Casharada la qaatay dib ugu naqtiimiyo, markii uu taas ka ogolaaday ayay haddana sidoo kale ka dalbatay in shaaha iyo quraacda ay u doontaan Baarka iskuulka ku yaala ee Ardaydu ay wax ka cunaan, iyadoo ka bixin jirtay qarashaadka, Baarkaasoo Liibaan uusan weligiis tan iyo sidii uu Iskuulka ugu soo biiray u soo ag istaagin shiidnimo awgeed, balse Ladan ayaa ku qasabtay codsiyo dhowr ah oo ay u gudbisay kadibna uu ka yeelay.
Sidoo kale Ladan waxay Liibaan ka codsatay in Gaariga lagu soo doono xilliga rawaxaadda ay Liibaan horey ugu sii kaxayso laakiin taas waa uu ka diiday oo u sheegay in uu ka jecel yahay Lugtiisa oo uu maalo si uusan kibirka iyo isla weynida u baran iyo isagoo diiddanaa in Gabar ka darajo sareysa uu Baabuurkeeda raaco, waase lakala war la’ yahay.
Liibaan oo ahaa Arday cuqdad ka qabay dhalinyarada ay isku iskuulka yihiin oo uusan hadal la qeybsan weligiis ayaa waxa uu iska ilaalinayay mar walba inuu Ladan qorshaha ay wadato u soo dabco waayo shaki ayuu ka qabay xiriir la wadaageeda oo wuu iska ilaalinayay, waayo wuxuu horey ula socday dhacdo ku dhacday Wiil isagu ay isku eyni yihiin oo jacayl la wadaagay gabar reer ladan ka dhalatay, reerkeeduna dhinaca dowladda lug ku lahaa oo Jacaylkaas uu Wiilkii baas iyo hoog ka raacay, isagana sidaas oo kale ayuu uga cabsi qabay in laga raaco jacayl la wadaaga Ladan.
Liibaan waxaa u caddaatay in Ladan ay danaynayso isaga oo ay jeceshahay, inkastoo weligiis uusan soo marin Jacayl haddana aqoon dhinaca maqalka ah ayuu ka heystay oo dhalinyaro badan oo Rag iyo Dumar ah oo jacaylka shirko ku noqday ayuu soo arkay halka kuwana ay ku khasaareen kuwana ka guul gaareen oo nolol mustaqbal leh wadaageen ubadna ku hanteen, laakiin isaga uma uusan soo jeedin jacayl kumana uusan deg-degeynin xaaladda nololeed ee uu ku suganaa awgeed, waayo waxa uu ahaa Nin ka aradan macaanida Adduunyada, oo xitaa dacaska uu wato fiilo feero ayuu qeyb hoose oo ka go’day kaga dahaaray, shaarka Iskuulka uu ku dhigto wuxuu ahaa Bafto caddaad dhammaad xigeen ah, Surwaalka kaakiga ahina Huudheyda ayuu ka soo beecsaday oo wax uu isaga baddalana ma uusan heysan, isaga ayuu iskuulka ku dhiganayay magaalo ku joogna u ahaa, inkastoo shaarka Baftada ah ay u wehlisay Funaanad duug xigeen ah oo mar walba uu xiran jiray isagoo aan heysan wax kale oo uu isaga badelo.
Gelinka hore Liibaan Iskuulka ayuu dhigan jiray, gelinka dambana Adeerkiis ayuu saacidi jiray oo Qabri-qodista ka kaalmeyn jiray, halkaas ayuuna dhaadhiciisa ka heli jiray oo marka Buug ka buuxsamo ama qalin ka dhammaado ka gadan jiray, noloshaas ciriiriga ah ayuuna ku sugnaa oo xitaa qarash uu dacas kaga gato kama uusan heli jirin.
Liibaan isagoo xaaladdaas ku guda jira ayay Ladan jacayl  ula timid oo Buuggiisa xisaabta inta maalin ka qaadday Warqad bashqadaysan u soo dhex gelisay, una soo raacisay sidii caadadeedu ahayd kuus lacag ah.
Markii iskuulka laga soo rawaxay ayay Ladan  guddoonsiisay Liibaan buuggii oo uusan ku ogeyn wax Warqad ah, laakiin markii uu gurigiisii yimid oo Buuggii Miiskiisii yaraa saaray ayay warqaddii ka soo dhacday, markiiba inta dafay ayuu galka hore ee bashqadda ereyo ku qornaa ka akhriyay magaciisa iyo magaca soo diraha, kadibna wuu daliiqay si uu u ogaado  nuxurka ku dhex jira, wuxuuna ka akhriyay ereyadan:-

sugow2010@hotmail.com
sugow@journalist.com