Wednesday 2 January 2013

DAAWO LAYABKA DUNIDA:-Nin Xoogisa Ku Tijaabiyey Dhagtiisa kuna Jiidey Baabur Aad Uweyn (Daawo Video)

 

DAAWO LAYABKA DUNIDA:-Nin Xoogisa Ku Tijaabiyey Dhagtiisa kuna Jiidey Baabur Aad Uweyn (Daawo Video)

Nin u dhashay wadanka Georgia oo ka mid ahaa dalweynihii midowga Soofiyeeti ee burburray (USSR), ayaa saxaafada caalamka si weyn u hadal haysaa ka dib markii isagoo adeegsanaya dhagtiisa uu jiiday baabuur 8 ton ah iyo waliba diyaarad Helicopter ah.
Ninkan oo lagu magacaabo Lasha Pataraya oo ah beeraley murqo waa weyn leh ayaa laga baahiyey Telefishinada caalamka isagoo xarig dhagta uga xiran ku jiidaya baabuur weyn oo culeyskiisu yahay 8 ton, dhirirkiisuna yahay 21.5 meters.
Lasha ayaa arintan ku soo bandigay meel fagaare ah oo ay isagu soo baxeen dad aad u fara badan, waxaana muuqaalka video-ga laga duubayey laga baahiyey Telefishinka wadanka Georgia, isagoo sheegay in uu haatan sugayo in uu ka helo jawaab maamulka buuga lagu qoro waxyaabaha la yaabka leh ee dunida ka dhaca ee Guinness Book of Records.
Ninkan oo ku nool magaalada Rustavi,ee ku taal wadanka Georgia ayaa wareysi uu bixiyey markii uu dhameeyey arintan la yaabka leh wuxuu yiri
“Tan waxaan uga dan leeyahay si aan u jabiyo rirkoorkii aan horey u dhigay ee ahaa 7,850 Kiilo, waayo maanta waxaan dhagteyda ku jiiday 8 tan iyo bar baabuur ah”.