Thursday 3 January 2013

DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ qebtii 1aad



 asc akhritayasha wa moalim zizan lasocda sheekada macanka badab DHOOF IYO DHAXAL CASSHAQ
Wuxuu ku barbaaray nolol rafaad leh oo yasid iyo cuqdad ku dhisan, nolol murugo joogto ah leh, nolol raaxada dunida ka qadsan iyo nolol saluug leh.
Aabihiis Cali Aadan oo waardiye Garaash ahaa Tuugo ayaa dishay, Hooyadiisna nolol kuma uusan arkin oo fooshiisa ayay ku sakaraadday kadibna markii ay umushay geeriyootay, waxaana soo korisay ayeydiis Aabihiis dhashay, iyadiina Waayeelnimo ayaa kadaba timid oo faraheeda ayuu ka baxay.
Markii Aabihiis la dilay Ayeydiisna ay gabowday ayaa waxaa koriimadiisa la wareegay Adeerkiis oo shaqadiisu ahayd Qabri qode, balse marna ma noqon mid nolol raaxa leh soo arkay tan iyo intiii uu ka gaarayay 25-jirkiisii.
Liibaan Cali Aadan markii uu qaangaaray ayaa Adeerkiis iskuul geeyay, wuxuuna Liibaan ku fakaray si nolosha caddiban uu uga baxo inuu waxbarashada ku dadaalo si uu horumar uga gaaro nolosha adduunyo, shaqo wanaagsan oo intifaac lehna u helo.
Markii uu Dugsiga Dhexe dhammaystay ayuu Liibaan ku fakaray inuu galo Dugsigii Xalane halkaasoo ardayda dhammeysata Dugsiyada dhexe tababar lagu siin jiray iyagoo loo tababari jiray Macalinnimo darajada loo yaqaanay macalimiinta Bii-biida, haddana way la ahaan weysay oo wuxuu is yiri �Macalinnimo wax anfac ah malaha oo waa mushaar yar yahay� sidoo kale inuu Kulliyadda Caafimaadka galo oo kalkaaliye caafimaad noqdo ayuu ku tamaniyay haddana wuu ka talo baxay oo ugu dambeyntii wuxuu go�aansaday inuu Dugsiga sare galo kadibna haddii waqtigu u saamaxo uu Jaamacad u sii gudbo, si uu markaa u helo shaqo wanaagsan oo tayo sare leh oo mustaqbalkiisa dambana anfacda.
v Liibaan Dugsigii sare ee (Shan iyo Tobanka Mey) oo ka mid ahaa Dugsiyada Muqdisho kuwooda ugu waaweyn ee magaca leh ayaa lagu qoray, sidii uu caadada u lahaana waxbarashadiisii ayuu dardar hor leh geliyay si uusan sanadna dib u dhac ugu imaan, laakiin markii uu Dugsiga sare ka gaaray fasalka 2-aad ayaa Liibaan mushkilad iyo Badweyn uusan filanayn ku soo butaacday si uu isaga maareeyana wuu garan waayay, taasoo ahayd, gabar ay isku Fasal ahaayeen oo lagu magacaabayay Ladan Ow Jaamac oo jacayl u qaadday.
 lasaco qebaha danbe,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,hadu alle idmo
sugow2010@hotmail.com
dagahaley camp
+257412255446.





No comments:

Post a Comment